''WAXA MARKASTA MATAANA AH COL IYO ABAAR; NABAD IYO BARWAAQO'', MUSE BIIXI CABDI, MUSHARAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA KULMIYE - 29 DECEMBER 2016, XAMDI HOTEL, LAASCAANOoD.


Erayadan kor ku xusan oo aan diwaanka xasuusta ku qortay isla imintaas oo aniga oo taagan goobtaas waxay galeen dubaaqayga waxayna ka turjamayaan xaqiiqda col iyo abaareed ee isku lamaan gobolada bari. Waxa taagan colaada beelaha wada dega Ceelafweyn, kuwa Koonfurta Sool, Taleex iyo Buuhoodle. Colaadahan ka dhexeeya beelaha walaaha ahi iminka waxay ku jiraan hakad maxaa yeelay waxa laysu balan sanyahay marka roobku da'ayo.Eebana waa laab dalaacdee wuu rafacay raxmadii roobka bal in uun inaan toobad keeno. Waxa haboon in colaadahan la joojiyo eebana loo noqdo si uu inoogu naxariisto abaartana inooga jabiyo