GAYDHE GIIRE GAMUUTE


Gaydhe Giire Gamute waa cilmi-ruug butaystay xaraar dheer kuna baarqabaystay funuunta barashada culuumta ay duuda uumiyuhu ku tanaadeen. Waa aqoonyahan fiiro dheer oo ay fahmadiisu roon tahay. Badiba golayaasha aqoonta lagu saafsaafo waxa uu ka fantay figta ugu saraysa waxaana lagu tiriyaa cabqariyiinta fekerka cilmiyanka ah u dooriyey ficilo' loo aayey. In kasta oo loo boqray diktooraat biladana lagu maamuusay ka dib ikhtiraac iyo maquunooyinkiisii cilmi-baadhiseed, weligii maankiisa ka may suulin inuu cilmi iyo caqli ugu hiisho dadkiisa. Dhaaxuu ku baanay in uu cilmigiisa ku garabgalo degelkii xuduntiisu ku aasnayd. Gaydhe Giire iyo kuwo la mid ahiba waxay ku taamijireen inay caynaanin doonaan dalkooda.

Waxa huq iyo halaq gudaya ku noqday washeesiyiin cabiido ah kuwaas oo ka soo shaqo tagay dhul qalaad. Waxay hunjaaliyeen shaqooyinkii dalka. Waa dhoobiyaal tun jilicsaday dadka ku nool dalkan.
Gaydhe Giire Gamuute waxa uu ku miigtay hankiisa uu ka qabay dalkiisa ka dib markii duul ooman ahi hadhuubka u soo cusheen wixii shaqo taalay. Waa haaway haaraayaysan kuwaas oo buuxiyey camalkii wadanigu qaban lahaa. Waxay noqdeen buuxsinkii iyo miscirirtii shaqooyinkii aqoonyahanka dalkeena.