''Xasuuso Nebi Yusuf
(CSW) Waxa uu Dalka Masar Ka Badbaadiyey 7 Sano oo Abaar Xidhiidh ah''
Waxa dhacay abaar duug ma reebto ah taas oo halaagtay
meerisyada xoolaha aynu intificaacsano, ishin iyo adhiba, kuwaas oo badiba
dabar go'ay. Waa dhacay saranreer biyo' iyo baad la'aaneed oo surmi iyo
surbacaad ku afwaajay saqiir iyo waayeelba. Waxa jira seben xumaad, hawguba
darnaadeed Sool iyo Sanaag bari, kaas oo aafeeyey umadii kana yeelay inay xeryo
madhan ka joogaan soof xoolaad. Dhulkii wuu gasariirmay waxaana gadaamay midhif
iyo siigo abaareed, waxaana soogsoogmay geed waynkii lagu eeran jiray si looga
hadhsado suudhiga iyo golcasta cadceeda, halka geed gaabkiina isu dooriyey
dumaa bagagi ah. Suuf darnaanta baahida iyo sabarka gaajaysan waxa u weheliya
dayro-dhaafka dhaxameed oo halakeeyey jabad kasta. Dhaxanta iyo gaajaadu waxay
cimri gaabni iyo naxash guridii u jeheeyeen maatadii awelba u nuglaa
dhibaatooyinka deegaan iyo daruufaha culus. Nafla-caarigii waxa lagu caymaday
meel kasta oo sugaan loo fishay laakiin goob walba waxa suulka iyo socod ku
gelgelimeeyey dad iyo duunyo maanyo ah. Carcararkii iyo geedigii hadba geyi loo
dheemaalayey ayaa geyeysiiyey xoolahii inay ku le'daan gawaano cidla ah. Maantana
afkaa wax la geliyo ayaa ah gariimad ku adkaatay inay gooyaan dadkeenii gurmad
EEBE mooyaane.
Eebe waa xaakim xaq lagu caabudo wuxuuna aadamaha samaha ugu
xejiyaa wanaag halka colka iyo abaartuna la xidhiidhaan xumaha aynu falnay.
Abaarahan soo noqnoqday waxa u sabab ah talo seeg iyo solinwaa jidka WAAQWEYNE
u suntay inaynu ku wada sugnaano. Hadaan u gunda dego, waxa jira nac-wayn iyo
warmo dhiigleh oo ka wardhawraya inta roob da'ayo si ay isu warjaafaan markay
soo doogaan sida Ceelefweyn, Laascaanood, Taleex iyo Buuhoodle, WAAQWEYNENA wuu
rafacay raxmadiisii.
Abaartan duugma reebtada ah waxa u dawo ah dulqaad iyo
dariiqada EEBE oo loo soo noqdo, ducada iyo duraamasha ILLAAHAY iyo ku dayasha
dedaalkii Nebi Yusuf (CSW) uu kaga dabaashay abaartii ku dhacday dhulka Masar 7
sano oo xidhiidh ah.
Maxamed Faarax Cabdi
Hargeysa, Somaliland