OOHINTA YAXAASKA (CROCODILE TEARS)

 
Waxaan maqli jiray oohinta yaxaaska!!!!. Waa odhaah caan ah oo loo adeegsado dadka oohin beenaadka sameeya ama loo yaqaan hasha geela cunta ee cabaada. Yaxaasku waxa keliya oo uu ilmeeyaa marka uu raq cunayo ee uu boganayo dheregtiisa. Hadaba iminka dal keena waxa ku batay oohinta yaxaaska oo ay ku sifoobeen dadka horumar diidka ah. Qaar aad run ka moodayso waxay ka cabanayaan ayaa kuu sheegaya inay rabaan in wax loo dhiibo oo qudha oo aanay lahayn damac intaa sii ridanba. Sheekadu waa OOHINTA YAXAASKA.